whitebackground600
HomeWarkiiMadaxweynaha Somalia oo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Badda

Madaxweynaha Somalia oo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Badda

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.

Sida ku cad magacaabista Madaxweynaha  waxaa soo jeedinta lahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya inkastoo aan la xusin inuu yahay wasiirkii dhawaan xilka laga qaaday iyo inuu yahay wasiirka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Taliyihii hore ee Ciidanka Badda  Admiral Cabdi Warsame shaqadii uu kasoo qabtay ciidanka Badda intii uu xilka hayay, waxa uuna kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii labo laabo waajibaadka qaran ee loo idmay.

Sidoo kale Magacaabista Madaxweynaha waxaa lagu xusay in ujeedku yahay magacaabista cusub inay tahay dib u dhiska awooda ciidamada Badda si ay ula wareegaan amaanka biyaha Soomaaliya xili bada Somalia labada dhibaato ugu waa weyn heysta ay kala yihiin burcad badeednimada maraakibta lau qafaasho iyo xaalufinta kheyraadka badda Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -