Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dalkiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin.
Madaxweynaha Ruushka ayaa casuumaada Madaxweyne Xasan ku muujiyay inay tahay ka qeygalka shir caasimada Ruushka ka dhici doona oo u dhexeeya Madaxda Jaamacada Carabta iyo Dalka Ruushka.
Fariinta Casuuimaada waxaa Muqdisho soo gaarsiiyay Mikhail L. Bogdanov oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka kaasoo dhawaan Madaxtooyada Somalia kula kulmay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu dalalka Carabta kala hadlo arimo ay ka mid yihiin xaalada Gaza iyo xiriirka labada dhinac sidii loo wanaajin lahaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM