XIGASHO LAACIB.NET
Florentino Perez ayaa go’aan kama dambays ah ka gaari doona mustaqbalka Carlo Ancelotti iyadoo lagu salaynayo wixii ka dhaca final-ka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Barcelona, sida uu qoray Marca.
Inkasta oo warbaahinta aad uga hadashay Ancelotti, haddana Florentino weli si weyn ayuu u qadariyaa tababaraha, waxaana la sheegay in madaxda sare aysan wax badan danaynin waxa saxaafadda sheegtay.
Ciyaarta Barcelona ayaa siinaysa madaxda fursad ay si dhow ugu eegaan Ancelotti iyo habka uu shaqada u wado kahor inta aan go’aan kama dambays ah la gaarin.
Inkastoo xiddignimada iyo taariikhda Ancelotti ee Real Madrid la tixgelin doono, haddana guul-darro culus oo kale oo ka timaada Barcelona waxay noqon doontaa dhammaadka waqtigiisa kooxda.