GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Mudug kaasoo u dhexeeya laba beelood oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo reerka jabiyay heshiiskii hore looga gaaray dagaalka Gobolka Mudug
“waa in dib loogu noqdo heshiisyadii laga gaaray colaadihii horay u dhacay, lalana xisaabtamo dadkii jabiyey”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Dani
Sidoo kale wuxuu cambaareeyay dagaal beeleedyada ka socda guud ahaan Gobolada dalka iyo kilinka 5-aad kuwaasoo galaatay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed.
“waxaan rabaa inaan halkaan baaq uga diro in dadka Soomaaliyeed nabad ku wada noolaadaan,horumarka ka shaqeeyaan,danahooda ay qabsadaan,runtii waxaa Puntland ka go’an inay difaaceeda iyo nabad-gelyadeeda ka shaqeyso,horumarkana ka shaqeeyso”ayuu yiri Saciid Dani
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM