Muqdisho, May 12, 2024; Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan gobolada dalka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD
May be an image of 5 people and text that says "SFCF SF Somali pany BROGDIRGAS BC BODIR TDIR DIR GAS"May be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, silo and oil refineryMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of silo and oil refinery
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here