HomeWarkiiMadaxweynaha oo u safray furimaha hore ee dagaalka

Madaxweynaha oo u safray furimaha hore ee dagaalka

May be an image of 2 peopleMuqdisho, 18 March 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si uu garab-istaag ugu muujiyo mujaahidiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo halgameyaasha dadka deegaanka.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo cadowga Khawaarijta ah.No description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -