HomeWarkiiMadaxweynaha oo Caawa kulamo iyo abaabul dagaal ka wada Degmo Xeebeedka Caddalle+SAWIRRO

Madaxweynaha oo Caawa kulamo iyo abaabul dagaal ka wada Degmo Xeebeedka Caddalle+SAWIRRO

May be an image of 1 personCADALE (DAYNIILE)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe halkaasoo uu u tagay sidii uu uga hagi lagaa dagaalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi ka wado kulamo joogto iyo abaabul guluf dagaal culus oo Alshabaab looga saarayo guud ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Saacadihii ugu dambeeyay wuxuu qaabilay  odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe taasoo daba socota diyaar garowga iyo fulinta qorshaha madaxweynaha ee ah ka taqalusida Kooxda Alshabaab.
Labada dhinac waxay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin alshabaab.
Dhanka kale Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha iyo saraakiisha ciidamada ee garbihiisa fadhiya ayaa ku bogaadiyeen siday uga go’an tahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Alshabaab,xili iyaguna balan qaadeen inay kaalintooda qaadan doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments