MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw oo  maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa safaro shaqo wuxuu ku gaaray Dalal dhowr ah sida  Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Advertisement

Shirar Muhiim ah ayuu Madaxweynuhu dalalkaasi uga qeybgalay isagoona badankood hadalo ka jeediyay shirkii madasha nabadda ee caasimada Oslo ee Dalka Norwey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale wuxuu  dalka Switzerland uga qeybgaley shir  looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Sidoo kale wuxuu soo maray Dalalka Turkey iyo Jabuuti isagoona masuuliyiinta dalalkaasi kulama la soo yeeshay kuwaasoo lagu soo qaaday arimaha Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here