Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wada-hadalkii Itoobiya iyo Somalia ee dhawaan ka dhacay Magaalada Ankara ee Dalka Turkey kaasoo fashil ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Xasan wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowlada Itoobiya diyaar u ahayn inay ka laabato heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la gashay Maamulka Somaliland si labada dal xiriirkoodu u soo hagaago.

Advertisement

“ma jirto wax talaabo ah oo ay Dowlada Itoobiya  u qaaday  inay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Maamul Goboleedka Somaliland”ayuu yiri Madaxeyne Xasan.

Mar uu soo hadal qaaday shirkii Ankara ayuu sheegay inaaneey is arkin ergada Dowlada Somalia iyo kuwa Itoobiya balse ay Dowlada Turkey u kala dab qaadeysay oo kaliya madaama ay dhex dhexaad ka tahay labada dal islamarkaana ay xiriri wanaagsana la leedahay Somalia.

Wararka ku dhaw dhaw shirkii Ankara ayaa xaqiijiyay in lagu kala tagay oo wax natiija ah aysan ka soo bixin madaama Dowlada Somalia aysan ogolayn in qadiyada Badda ay kala hadasho Itoobiya ilaa iyo inta ay kaga laabaneyso heshiiskii been abuurka ah ee ay la galeen Maamulka Somaliland taasoo xad-gudub ku ah madax baanida dhuleed ee Somalia.

Wafdigii Dowlada Somalia ka socday ayaa shirkii Ankara waxay ka istaageen mowqif cad kaasoo ah inaaneey marna wax gor-gortan ah ka galeyn hantida dadka Soomaaliyeed balse ay ka hadli karaan wixii heshiis ganacsi ah oo kaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here