Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Washington ee Caasimada Dalka Mareykanka Dahir Hassan Carab ayaa gaaray dalkaasi kadib markii dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xilkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadi shalay qaabilay Danjire Daahir Carab wuxuuna ka gudoomay warqadaha aqoonsiga danjire-nimo,sidoo kale wada hadal koobana way yeesheen.

Advertisement

Safiir Daahir Carab ayaa wareysi uu siiyay Idaacada  VOA-da laanteeda afka Somaliga wuxuu ku sheegay inuu Madaxweynaha Mareykanka gaarsiiyay salaan uu kaga siday ummadda Somaliyed iyo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud

Danjire Daahir Carab wuxuu intaasi ku sii daray  in Madaxweynaha Mareykanka Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal.

“anigoo ku hadlaya afka Dowlada Somalia waxaan Dowlada Mareykanka uga mahadceliyay taageeradeeda ay nala garab taagan yihiin gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo horumarinta Dowladnimada”ayuu yiri Danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona Mareykanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Ambassador Dahir Hassan Arab

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here