WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden laga helay calaamadaha lagu garto Fayruska COVID-19 isla markaana lagu go’doomin doono gurigiisa oo ku yaal Delaware ilaa iyo inta caafimaadkisa ka soo hagaagayo.

Jean-Pierre wuxuu sheegay in Biden uu qorsheynayay inuu asbuuc dheer ku qaato gurigiisa xeebta Delaware.

Advertisement

Ma cadda ilaa inta ay qaadan doonto  inuu dib ugu soo laabto ololahiisa doorashada, waxay ku xirnaan doontaa sida dhaqaatiirtu ku soo fasaxaan.

Daqiiqado ka dib ku dhawaaqista, kolonyada madaxweynaha ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Las Vegas, markii uu fuulay Air Force One, Biden ayaa u sheegay suxufiyiinta inuu Wanaagsan yahay islamarkaana uu dareemayo fiicnaan.

Dhakhtarka madaxweynaha Dr Kevin O’Connor  ayaa qoraal ku sheegay in Biden lagu arkay  calaamadaha neef-mareenka sare, oo ay ku jiraan rhinorrhea [san duuf leh] iyo qufac aan wax soo saar lahayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

U.S. President Joe Biden walks toward Air Force One, at Harry Reid international airport in Las Vegas, Nevada

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here