Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa  ku dhawaaqay in ay gargaar isugu jira raashin iyo lacago ay siin doonaa n dadkii ku hanti belay dabka ka kacay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.

Biden ayaa sheegay dawladda federaalku ay dabooli doonto baahiyaha ka taagan Magaalada Los Angeles oo uu saameeyay dab ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 24 qof.

Advertisement

“Ma sugayno ilaa dabku dhamaado si aan u caawino dhibanayaasha. Dhammaantood waanu caawinaynaa hadda. Dadka ay saameeyeen dabkan ayaa heli doona lacag hal mar ah oo dhan $770, “Biden ayaa yiri.

Sidoo kale, Biden ayaa sheegay in tani ka saamaxayo in ay in ay si degdeg ah u iibsan karaan waxyaabo ay ka mid yihiin biyaha, caanaha carruurta, warqadaha daawada.

Dabka ka kacay magaalada Los Angeles ayaa saameeyay shacabka deggana halkaasi, iyada oo boqolaal ruux ay ku guryo beeleen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here