Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu yeeray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kaligii taliye, taasoo sii kordhisay dagaalka afka ah ee u dhexeeya labada hoggaamiye,wuxuuna bilowday markii Trump uu Ukraine ku eedeeyay inay bilowday dagaalka Ruushka.
Eedeymaha Trump, oo lagu dhajiyay shabakadiisa bulshada ee Truth Social, ayaa timid saacado uun ka dib markii Zelensky uu ku eedeeyay inuu ku celceliyay been abuurista Ruushka.
Isagoo wariyaasha kula hadlayay Kyiv, Zelensky, wuxuu beeniyay hadalada madaxweynaha Mareykanka, isagoo xoojinaya mowqifka Ukraine ee ah in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka uu u baahan yahay ku lug lahaanshihiisa.
“Nasiib darro, madaxweyne Trump – waxaan u hayaa ixtiraam weyn isaga oo ah hoggaamiye qaran oo aan ixtiraam weyn u hayno, dadka Maraykanka ah ee had iyo jeer na taageera ” ayuu yiri Zelensky
Trump ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in dagaalku sida ugu dhaqsaha badan u soo afjaro – xitaa haddii ay la macno tahay khasaare dhuleed oo kale oo soo gaaray Ukraine.
SOURCE CNN
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM