HomeWarkiiMadaxweynaha Maamulka Somaliland oo u hanjabay Xamsa Cabdi-Barre

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u hanjabay Xamsa Cabdi-Barre

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay safarka wafdiga Dowlada Somalia ay ku joogaan Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo Maamulka SSC Khaatumo.
C/raxmaan Cirro si adag ayuu uga hadlay safarka uu Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Laascaanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland in masuuliyada ay qaadi doonto Dowlada Somalia wixii dhibaato ah ee ka dhashay safarkaasi.

“Safarka Xamse Cabdi Barre ku yimid Laascaanoodna waa is maqiiq, wixii kaga yimaaddana Soomaaliya ayaa masuuliyaddeeda qaadaysa” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Inkastoo wasiirada Maamulka Somaliland hanjabaado wadeen maalmihii ugu danbeeyay hadana C/raxmaan Ciiro waa markii ugu horeysay ee uu ka hadlo safarka Xamsa walibana uu markiisa hanjabo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -