HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro oo khudbad maanta jeediyay ayaa mar kale si kulul uga hadlay socdaalkii dhawaan uu Ra’iisulwasaaraha Somalia ku tagay qeybo ka mida waqooyiga Somalia gaar ahaan Laas-caanood.
Madaxweyne Cirro oo meelo badan ka hadlay ayaa soo hadal qaaday socdaalkii Ra’iisulwasaare Xamse wuxuuna sheegay inuu keeni karo imaanshahaasi colaad sokeeye.
“Colaad sokeeye oo degde ah ayuu horseedi kartaa socdaalkii Xamsa Cabdi-Barre” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland
Caalamka ayuu kaga dacwooday isagoo ku celceliyay in socdaalkaasi iyaga dhankooda uu xad-gudub ku yahay madaama ay sheeganayaan in wali Laas-caanood dhankooda tahay xili dhowr sano ka hor ay maamul SSC Khaatumo ka dhaho dhisteen islamarkaana ay aqoonsi xitaa ka heleen xukuumada Somalia.
Sidoo kale C/raxmaan Ciroo wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowlada Soomaaliya ay ku soo qaaday dagaal qaawan si ay ugu Khalkhal u geliso, una wiiqdo dadaallada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Somaliland waddo sida uu warkiisa u dhigay.
” Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.” ayuu mar kale yiri Cirro.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM