NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa go’aan degdeg ah ka qaatay mooshin canshuur kordhin ah oo uu rabay inay Baarlamaanku ansixiyaan balse shacabkii ka hor imaadeen ilaa  dibad bixii shalay uu sababay dhimashada 10 ruux kuwaasoo diidanaa canshuur kordhinta.

Madaxweyne Ruto wuxuu la laabtay qorshihiisii canshuur kordhinta,wuxuuna ku dhawaaqay inuu u tanaasulay shacabkiisa Kenya ee dhiigooda u hurey inay muujiyaan diidmadoda canshuur kordhinta.

Advertisement

Madaxweyne Ruto ayaa maanta diiday inuu saxiixo sharciga maaliyadda ee muranka dhaliyay ee ay sharci-dajiyayaasha u codeeyeen in la meel mariyo talaadadii, sharcigaas oo kordhin lahaa canshuuraha.

Dhowr qof ayaa ku dhintay Talaadadii shalay ka dib markii booliisku ay rasaas toos ah ku fureen dad mudaaharaadayay oo isku dayayay in ay gudaha u galaan baarlamaanka Kenya.

Qeybo ka mid ah xarunta golaha shacabka ayaa waxaa dab qabadsiiyay dibadbaxayaasha.

Milatari ayaa la geeyay Kenya si ay uga taageeraan bilayska wax ka qabashada xaaladda degdegga ah ee amniga ee dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here