NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa qaatay go’aan adag isagoona  soo jeediyay shalay jimcihii qarash dhimis iyo waliba deyn dheeraad ah madaama shacabka dalkaasi ka hor yimaadeen qorshiiisii canshuur kordhinta.

Madaxweynaha oo shalay khudbad ka soo jeediyay TV-ga dalkiisa ayaa soo bandhigay qarash dhimis kadib markii dhawaan uu ka laabtay 2. Bilyan Doolar  oo uu canshuur ahaan dul saari rabay dadkiisa.

Advertisement

Ruto ayaa hada doonaya deyn dheraad ah si Dowladiidu uga soo kabato dhaqaalo yari soo wajahday,wuxuuna khudbadiisa ku sheegay inuu weydiisan doono baaralammaanka kharash dhimsi dhan 177 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($1.39 bilyan) misaaniyad sanadeedkaan.

Go’aankaan uu qaatay Madaxweyne Ruto oo lagu sheego nin madax adag islamarkaana rabitaankiisa aan ka laaban ayaa imanaya kadib dibad baxyo rabshada wata oo asbuucyadii la soo dhaafay dalka kenya ka dhacay waxaana ku dhintay ugu yaraan 39 ruux oo shacabkii isu soo baxay u badan,sidoo kale hanti badan ayay iyaguna burburiyeen.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu soo deysan doono 169 bilyan oo shilinka Kenya ah si Dowladiisu u hesho minsaaniyad ay ku shaqeyso xili hore dayman badan loogu lahaa kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here