NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay si faahfaahsan markii ugu horeysay dibadbaxyadii ka dhacay dhawan dalkiisa gaar ahaan kuwii Nairobi ee rabshadaha watay.

Banaanbaxaan oo ku bilowday cabasho ay shacabku ka qabeen hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ayaa sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed markii ay iska hor imaadeen Booliiska iyo shacab qaarkoob boob hanti ku dhaqaaqeen.

Advertisement

William Ruto wuxuu sheegay in maalmihii banaan-baxyadu socdeen ay ku dhinteen 19 ruux oo shacab ah isagoona ku tilmaamay nasiib daro.

“waxay ahayd  arrin nasiib darro ah ku dhacday oo aan marnaba loo baahnayn in ay qayb ka noqoto adeegsiga xuquuqda dimuqraadiyadeed”ayuu yiri Madaxweyne Ruto

Mar uu soo hadal qaaday dhibaatada ay banaanbaxayaashu gaysteen ayuu xusay inay gubeen xarunta Baarlamaanka, sidoo kale bur-buriyeen hanti gaareysa 2.4 bilyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta malaayiin doolar.

Sidoo kale Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay inay dibad baxayaashu gubeen xafiiska barasaabka Nairobi ee City Hall iyo xafiiska madaxa cadaaladda dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here