HomeWarkiiMadaxweynaha K/galbeed oo booqday furimaha dagaalka kadib guushii maanta +SAWIRRO

Madaxweynaha K/galbeed oo booqday furimaha dagaalka kadib guushii maanta +SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta dhiirigelin iyo bogaadin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugan furimaha dagaalka.
Booqashada Madaxweynaha ayaa dhacday kadib howlgal ka hortag ah oo ay saakay fuliyeen ciidamada, kaasi oo looga hortagay weerar ay Khawaarijtu isku dayeen inay kusoo qaadaan tuulada Burajeed oo ku taalla duleedka degaanka Daynuunay. Ciidamada ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxayna halkaas ku dileen in ka badan 35 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge ajaanib ah.
Meydka Khawaarijta la dilay ayaa maanta lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhabo, si shacabka loo tuso guulaha laga gaaray la dagaallanka cadowga iyo sida ay ciidamada ugu taagan yihiin difaaca deegaannadooda.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, wuxuuna sheegay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso ciidamada si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobollada.

May be an image of 4 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -