May be an illustration of 1 person and text

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa ka tacsiyeeyeen geerida ku timid Senetor Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta ku geeriyooda dalka Turkiga.

Advertisement
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu  tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku suntanaa Soomaalinimo iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ku mannaysto, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa marxuumka oo ka mid ahaa xildhibaannada Aqalka Sare ku sifeeyey siyaasi ruug-caddaa ahaa, hoggaamiye dhaqan yaqaan ahaa iyo nabaddoon ku suntanaa samaha iyo raadinta wanaagga ummadda Soomaaliyeed, isla markaana xilliyo kala duwan oo dalku soo maray u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, golihii uu ka tirsanaa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here