Diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa la soo sheegayaa inay dhacday kadib shil ay gashay walow war baahinta  Iran ay rajo ka muujinayaan nolosha Madaxweynaha.

Kooxo ka badan 65 ayaa ka qeybqadanaya baadi goobta diyaarada madaxweynaha ee la sheegay inay dhacday.

Advertisement

Wakaaladda wararka Iran ee Fars News Agency ayaa shaacisay in xaalad dhanka cimilada ay keentay shilka sidoo kalana sii adkeyneyso dadaalada samata bixinta.

Madaxweyne Raisi ayaa la sheegay inuu u safrayay gobolka bari ee Dalka Azerbaijan  ka hor inta uusan shilka galin.

Warbaahinta Dunida ayaa si aad u hadal heysa iyadoo wararkii ugu danbeeyay ee Aljazeera lagu daabacay ay sheegayaan warar rajo gelinaya in madfaxweynaha uu badqabo isaga iyo kooxdii la socotay.

Warbaahinta Iran ayaa laga soo xigtay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan iyo Iiran taasoo cabir ahaan qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweynaha Iran oo ku hanjabay in jawaab dag deg ay ka bixin doonaan  Weerar Isra'il geesatay - Lastes News

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here