Moqokori, 26-July-2024: Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta soo gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan waxaana ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalab-ka Sida.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha Degmada Moqokori iyo shacabka degmada ayaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeeyay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe iminkana waxa uu u soo gudbay Gobalka Hiiraan.

“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan xorreynay. Waad dhabar adeegteen maanta waxaa la joogaa waqtigii aad guran-laheydeen miraha Dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Hirshabeelle waxana uu ka mahadceliyay sida maanta loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
May be an image of 8 people and text that says "め"May be an image of 1 person and crowdMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and treeMay be an image of 2 peopleMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 7 people and treeMay be an image of 9 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 11 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 2 people and crowd
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here