Jowhar, 16-June-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta Salaada Ciidul-Adxa kula tukaday boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle magaalada Jowhar.
“Alle hanaga aqbalo acmaasha, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul-Adxa.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabka inay isku naxariistaan oo ay is gargaaraan maalmahaan oo kale.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
Director.communication@hirshabelle.gov.so
Advertisement