Maamulka, dhaqanka, wax-garadka, haweenka, kooxaha hiddaha iyo dhaqanka, iyo bulshada degmada Cali Gaduud ayaa shalay galab si wadajir ah u soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Arrintan ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku dardargelinayay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mashaariicda sii dhammaaneyso iyo kuwa cusub ee laga wado degmooyinka qaar.

Fannaaniinta Iqra Happy, Xuseen Nuurriyoow iyo Xayir Rooble ayaa goobta ka qaaday suugaanta dadka lagu madadaalinayay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan bulsho la qaatay shacabka degmada Cali Gaduud.

“Waan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta aan lagu kala maqneyn. Farxad weyn ayay ii tahay xorreyntii kaddib inaan imaado Cali Gaduud oo degmo ah.”

Degmada Cali Gaduud ayaa ka mid ah degmooyinka awoodda looga saaray Khawaarijta haddana waxa ay cagta saartay waddada horumarka.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
Director.communication@hirshabelle.gov.so
May be an image of 8 peopleMay be an image of one or more people, camel and crowdMay be an image of 13 peopleMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 people and crowdMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 3 people and crowdMay be an image of 3 people, crowd and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of one or more people, people camping, Uluru, horizon and crowdMay be an image of 5 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person and crowd
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here