Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shalay galab daah-furay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Degmada Biyo-Cadde.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay:
1. Xarunta Degmada
2. Saldhigga Booliska
3. Garoonka Kubbadda Cagta
4. Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka
5. Leyrarka cadceeda ku shaqeeyo
“Iskuulka aan ka hirgelinay degmada Biyo-Cadde waxaan rajeynaa inuu soo saari doono arday tayo leh.”
Shalay ayuu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle inay degmo tahay Biyo-Cadde kaddib markii uu kusoo gaaray safar shaqo.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur.
Advertisement