Al-Koowsar 23-July-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa xalay fursad u siiyay dadweynaha degmada Al-Koowsar inay weydiiyaan su’aallo toos ah.
Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Al-Koowsar, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo laysla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyada dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.
“Dadka degmadan iyaga ayaa muddo difaac u ahaa amniga degmada oo aan caawa ku kala warqaadaneyno. Waxaa miiska idiin saaran caawa Leyrarka cadceeda iyo Dugsi Hoose Dhexe.”

Degmada Al-Koowsar waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee Dowladda Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
May be an image of 1 person, studying and daisMay be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 14 peopleMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 4 people, table and daisMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people, headscarf and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people, child and headscarfMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and beardMay be an image of 9 people, people smiling, dais and textMay be an image of 14 peopleMay be an image of 11 people, dais and textV
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here