Caddaan-laxeey, 24-Feebaraayo-2025: Guud ahaan Hirshabeelle waxaa ka socda (Hirshabeelle iyo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta) oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa saakay waxa ay ciqaabeen Khawaarij isku-daygooda uu ahaa inay gudaha u galaan deegaankaasi.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqday deegaanka Caddaan-laxeey waxana uu dhiirogelin ugu tagay ciidamada kala duwan ee wacdaraha u dhiggay Khawaarijta.
“Hirshabeelle markale ayay dagaal adag ku jirtaa, Caddaan-laxeey waxaad ka sameyseen halgan gobbanimo ah. Waxaan wadnaa abaabul xooggan oo dagaalka ah.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay weli tahay fagaaraha gumaadka argagixisada.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur.May be an image of 7 people, rhinoceros and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 7 people and text that says "KL"May be an image of 1 personMay be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here