Jowhar, 17-Feebaraayo-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.
Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan Khawaarijta.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye NuurMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 3 people, rhinoceros and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here