Jowhar, 27-December-2024: Ugu horreyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagaxa lahaa ee lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhacdadaan murugada leh waxa uu kaga tacsiyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaskoodii.

“Waa fal ka fog Shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadanaha. waxaan farayaa laamaha amniga 24-saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug-yeelato dhacdadii aragagaxa laheyd ee ka dhacday deegaan ku dhow degmada Ceelbaraf.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa bulshada Hirshabeelle ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdo kasto oo wax u dhimayo amniga iyo wadajirka bulshada.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
May be a doodle of map and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here