ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay dalka Itoobiya gaar ahaan caasimada Adis-ababa ayaa shaaca ka qaaday inuu ku taageerayo Itoobiya wado kasta oo ay ku heli karaan marin badeeed sida uu sheegay ay ka geli karaan badda.
Madaxweynaha Faransiiska wuxuu carabka ku adkeeyay inay iyagu Abiy Axmed ku garab istaagayaan wada kasta uu dalkiisa Itoobiya ku gaarsiin karo inay helaan marin badeed ay badda ka galaan sida uu sheegay.
“Itoobiya waxaan ku taageereynaa sia kasta ay ku heli karaan marin badeed iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah iyo darisnima wanaaga “ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.
Dhanka kale wuxuu aad u taageeray shirkii Ankara ka dhacay ee hesiiska horu dhaca ah ah ay ku gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaasoo lagu xalinayay khilaakii soo kala dhex galay dowladaha Somalia iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii sanadkaan biowgiisa ay Itioobiya la gaartay maamulka Somaliland.
Si kastaba hadalka Madaxweynaha Faransiiska wuxuu u muuqdaa mid shaki gelin kara Soomaalida marka loo eego siiqada uu adeegsanayo tusaale ahaan ereyga uu ku cecelinayo ee ah xaqa Itoobiya u leedahay inay hesho marin badeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM