HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka si rasmi ah xilka ugala wareegaya Madaxweynihii 5aad ee dalka Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiin badan ayaa ka soo qeybgalay xaflada xil wareejinta Muuse Biisi madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland uu maanta xilka ugu wareejiyay madaxweynaha cusub C/raxmaan Ciiro.

Advertisement

“Madaxwayne waxaad qabatay waxay qiimo sii yeelan doonaan markaad isbarbar taagto oo aad la shaqayso Dawladda cusub” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland oo la hadlayay madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland islamarkaana xilka wareejiyay

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Daahr Riyaale kaahin ayaa isna kula dar-daarmay madaxweynaha la doortay ee C/raxmaan Ciiro inuu noqdo qofka go’aanka gaadha.

Sidoo kale Madaxweynaha xilka maanta wareejiyay ee Muuse Biixi ayaa ka cudur daartay waxyaabo badan oo laga filayay inuu qabto ineysan u suurtagalin duruudo jirey awgeed.

“Waxaan Aaminsanahay In Aanan Qaban Wax Badan Oo La Iga Filayay Duruuf Jirta Awgeed Bini’aadam Ayaan Ahay Mana
Aha Hagrasho Iyo ka leexleexasho aan sameeyay” ayuu yiri Muuse Biixi.
Sidoo kale Madaxweynaha la doortay xilkana la wareegay maanta ee C/raxmaan Ciirio ayaa isna ka hadlay talaabooyinka uu qaadi doono.
“Waxaan ballanqaadayaa inaan ku dhaqmi doono kuna shaqayn doono Dastuurka Somaliland, Dunidana waxaan u sheegayaa in aan dalkan Somaliland indhaha laga qarsan karin oo uu mudan yahay aqoonsi caalami ah”ayuu yiri Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here