NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiinka Soomaali Kenyaanka ee Dowladiisa ku jira sida madaxda Ismaamulada Wajeer,Mandhera iyo Gaarisa.

Kulanka kadib ayuu Madaxweynuhu qoraal uu soo saaray wuxuu aad u amaanay Masuuliyiinta Gobolada Waqooyo Bari-Kenya,gaar ahaan sida ay uga go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarka gobolkooda iyagoo aan tixgelinayn garabyada siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.

Advertisement

“waxaan dhaqan gelineynaa borogaraamyo wax ka tari kara dhanka dhaqaalaha  ee Gobolada waqooyi Bari Kenya, barnaamijyadaan ayaa waxaa lagula tacaalayaa caqabadaha dhanka horumarka”ayuu yiri Madaxweyne Ruto

Madaxweyne William Ruto mar uu ka hadlayay kulankii uu  xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi  kula yeeshay madaxda ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ayuu carabka ku dhuftay inay isku raaceen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira wadooyinka deegaanada Soomaalida kenya,sidoo kale wuxuu xusay inay isla fahmeen wax ka qabashada dhanka amniga, iyo dardargelinta dhaqangelinta barnaamijyada iyo kaabayaasha sida waddooyinka , biyaha , waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here