Madaxwaynayaasha Dalalka Masar iyo Ugand ayaa ka wada hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan dhanka amnga.
Yoweri Museveni iyo Abdi-fatah Al-sisi waxay isla soo qaadeen howlgalka cusub ee Somalia ee nabad ilaalinta kaasoo loogu magac daray AUSSOM madaama labadaani dal ciidamadoodu ka howlgeli doonaan Somalia sanadkan 2025-ka.
Labada Madaxweyne oo la sheegay inay qadka Teelka ku wada hadleen ayaa waxay isla laa gureen dadaalada lagu doonayo in nabad iyo xasilooni looga hirgaliyo Soomaaliya islamarkaana ciidamada Midowga Arika ay garab siiyaan kuwa qaranka Somalia oo diyaar u ah inta badan inay amniga iyagu maamulaan.
Al-sisi iyo Yoweri Museveni waxay sidoo kale isla soo qaadeen sida ay diyaarka ugu wada yihiin taageerada ay siinayaan Dowlada Somalia.
Howlgalkaan cusub ee AUSSOM wuxuu kaga duwan yahay kii hore ee ATMIS dhan kasta sida hady ahaan lahayd hogaanka iyo tirada ciidamada sidoo kale dalalka ay ka iman doonaan.
Howlgalkii hore ee Atmis waxaa lahaa midowga Afrika oo talisku uu hoos tagi jirey marka la eego howlgalada siday u dhacayaan iyo amar qadashada ciidamada balse howlgalkaan cusun taliska iyo go’amada howlgalka iyo amarkaba waxaa iska leh wasaarada gaashaandhiga Somalia, sidoo kale dalal cusub sida Masar ayaa ka soo muuqan doona kuwana way ka hareen sida Burindi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement