MANILA (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta dunida ayaa aad u hadal heysa Madaxda ugu sareysa Dalka Philippine oo dil isugu habaysa waxaana u dambeeyay madaxweyne xigeenka dalkaasi oo dil ugu hanjabay Madaxweynaha.
Madaxweyne ku xigeenka Dalka Philippine haweeneyda lagu magacaabao Philippine Sara Duterte ayaa u shaacisay in hadii iyada la dilo sidoo kale la dili doono Madaxweynaha Ferdinand Marcos Jr .
Wararku waxay intaasi ku darayaan ammaanka Madaxweynaha sare loo qaaday ka dib markii ku xigeenkiisa meel fagaare ah kaga hanjabtay dilkiisa.
Madaxweynaha Dalka Philipine iyo ku xigeenkiisa ayaa hore isugu fiicnaa balse bilahaan danbe waxaa soo kala dhex-galay khilaa waxayna ka soo kala jeedaan labada qoys ee ugu awooda badan siyaasada iyo Dowladanimada dalkaasi.
“waxaa ina hogaaminaya qof aan aqoon si loo noqdo madaxweyne oo beenaale ah,” ayay ku tiri hadal kooban oo ay jeedisay haweeneyda madaxweyne xigeenka ah
Xafiiska isgaadhsiinta ee madaxtooyada ayaa sheegay in hadalada Madaxweyne xigeenka loo qaadanayo hanjabaad halis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM