Madaxda sar sare ee Dowladd Goboleedka Hirshabeelle sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo wafdigoodii ayaa  dib ugu soo laabtay caasimada Hirshabeelle ee Jowhar.

Wafdiga Madaxda sare ee Hirshabelle ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay safaro shaqo ku soo kala bixiyeen  degmooyinka iyo deegaanada laga xorreeyay Alshabaab.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa Degmooyinka iyo deegaanada uu tagay wuxuu soo dhagax dhigay mashaariic badan oo dadka iyo deegaankaba mustaqbalka wax u tari kara sida xarumihii bulshada loogu adeegi lahaa.

Wafdiga waxay cagta soo mariyeen labada Gobol ee Maamulku ka kooban yahay sida Hiiraan oo ay gaareen Maqa-kori,Jalalaqsi iyo deegaano ay ka mid yihiin Tardo ioyo sidoo kale Shabeelaha dhexe oo ay degmooyin badan ka tageen.

Si kastaba Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa ugu dambeyn si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar oo ah xarunta Maamulka ee shaqada ugu badan ay ka socoto.May be an image of 6 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 people

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here