HomeWarkiiMadaxda sare ee Dowlada oo ka tacsiyeysay geerida ku timid Janaraal Maxamed...

Madaxda sare ee Dowlada oo ka tacsiyeysay geerida ku timid Janaraal Maxamed Yuusuf (Madaale).

May be an image of 1 person and text
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa qoraalo ay siyaabo kala duwan usoo saareen waxay uga tacsiyeeyeen si isku mid ah geerida ku timid Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar (Madaale).
Qoraalada masuuliyiinta ayaa sidan u qornaa:-
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabadii, bahda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar (Madaale).

Geerida Janaraalku waa mid qaran oo si weyn u taabaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga dalka. Marxuumku waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, gaar ahaan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo naf iyo niyadba u huray u adeeggida qaranka.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
SIDOO KALE  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jenaraal Maxamed Yuusuf Shiikh Cumar (Maddaale) oo muddo dheer kamid ahaa saraakiisha laf-dhabarta u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey mid ka mid ah tiirarkii udub-dhexeedka u ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, muddo dheerna u taagnaa sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo kala danbeyn waarta oo sharciguna sarreeyo.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan qoyska, ehellada, ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan Qaranka, geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Jenaraal Maxamed Yuusuf Shiikh Cumar (Maddaale) oo ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay intii uu noolaa, waxaana ku xasuusan doonnaa kaalintii uu ka geystay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu ka waraabiyo Jannatul Firdows, dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
— Dhammaad —
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -