Biyo-Cadde, 4-August-2024: Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo sii wato safarka shaqo ee uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta isku maray deegaanada Miir-taqwo iyo Biyo-cadde.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo Suxufiyiin.

Maamullada Deegaanada Miir-Taqwo iyo Biyo-Cadde iyo shacabkooda ayaa soo dhaweyn diirran u sameeyay wafdiga Madaxweynaha.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 4-ta August-2024 waa degmo Biyo-Cadda waxaana loo dhammeystiri doonaa haddii uu Alle idmo sharciyada degmanimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Gudlaawe) ayaa shacabka Miir-taqwo iyo Biyo-Cadde waxa uu kaaga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
May be an image of 5 people, horse and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, motorcycle, crowd and textMay be an image of 1 person and UluruMay be an image of 7 people and crowdMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 people and treeMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 13 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of motorcycle, dirt bike and all-terrain vehicleMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 10 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here