NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Midowga Afrika ayaa sheegaya in Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine uu galabta xaalada Somalia uga warbixin doono Qaramada Midoobe.

Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa lagu wadaa Galabta inuu  ku qabsoomo Xaruntooda Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Advertisement

Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine waxyaabaha uu sharixi doona waxaa ka mida qorshaha dhimista Ciidamadooda ee Somalia oo ku soo aaday xili Dowlada Somalia wax ka badashay go’aankeedii hore ee bixitaanka ciidamada shisheeye.

Dowlada Somalia ayaa dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo bixitaanka ATMIS madaama ay dagaal kula jirto Alshabaab,Dowlada ayaa dalbaneysa in ciidan kale lagu soo badalo kuwa ATMIS si Dowladu usii hesho taageero Caalaki ah ilaa ay si rasmi ah uga adkaaneyso Alshabaab.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu sharaxo guulaha Ciidamada Dowlada Somalia ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here