Madaxa ATMIS, Amb. Mohamed El-Amine Souef, iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Samuel Kavuma, ayaa Arbacadii shalay booqday Xarumo ay ku leeyihiin Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay

Saraakiishaan ayaa ujeedka socdaalkoodu wuxuu la xiriiray si ay u qiimeeyaan daryeelka iyo diyaargarowga ciidamada.

Advertisement

Madax ATMIS iyo Taliyaha cusub ee Ciidamada Waxay la kulmeen Taliyaha Qaybta 5, Col. Oscar Hatungimana, si ay uga wadahadlaan amniga & ATMIS Wajigii Saddexaad ee ka bixitaankooda Soomaaliya.

Saraakiishaan waxay sidoo kale kulamo kula qaateen Mahadaay  ciidamada ATMIS-ka, ciidamada nabadsugidda Soomaaliya,maamulka degmada iyo dadka deegaanka.

Socdaalka iyo dhaq dhaqaaqyada badan uu maalmahaan sameynayo madaxa ATMIS ayaa la xiriirta u diyaar garowga wajigooda 3-aad ee ka bixintaanka Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 4 peopleMay be an image of 14 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 9 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here