BARAAWE (DAYNIILE.COM)-Madaxa Howlgalka Ciidamada ATMIS , Amb. Souef Mohamed El-Amine, ayaa booqasho ku tagay Magaalo Xeebeedka Baraawe ) ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Masuulkaan ayaa Baraawe u tagay si uu u qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo diyaargarowgooda ka bixitaanka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan.

Advertisement

Madaxxa Atmis waxaa wehlinayay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Kavuma iyo Taliyaha Sector One Brig. Gen. Anthony Lukwago Mbuusi, waxay soo hadal qaadeen Ciidamada Midowga Afrika ee ku howlgala magaca ATMIS  ay ka go’an tahay in si nabad ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa sidoo kale soo kormeeray xarun caafimaad oo deegaanka ah, waxaana ay

Masuulkaani iyo saraakiisha la socota ayaa ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka Degmada si kor loogu qaado nolosha dadka deegaanka iyada oo loo marayo hawlaha iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC).

Shalay ayay ahayd markii la cadeeyay magaca ay ku howlgeli doonaan ciidamada badeli doona kuwa ATMIS kaasoo lagu sheegay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta marka magaciisa la soo gaabiyana ah (AUSSOM).

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 4 people and helicopterMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people, people studying and daisMay be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 13 people and textMay be an image of 11 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here