Muqdisho, 11 December 2024: Sii-Haayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray dhismaha ka socda laamiga dheer ee lagu wado in uu isku xiro Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe kaasi oo ka bilawda Degmada Kaaraan siina mari doonna Ceel-cadde.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani Maxamed, iyadoona ganacsatada iyo shacabka deegaanka ay ka warbixiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta waddadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada, isla markaana qeyb ka qaadan donta ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol.

Advertisement

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here