Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia iyo kuwa macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa galabta isla fuliyay howlgal ka dhan ahaa kooxda Alshabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Yasooman iyo Abooreen waxayna ciidamada is bahaystay weerar ku ekeeyeen Alshabaab aagaasi isku urursanaysay.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda waxay ka hor tageen weeraro ay alshabaabku qorsheynayeen kadib markii ay dagaal kala hortageen kaasoo waqti kooban qaatay.
Faah-faahin buuxda lagama hayo dagaalkaasi iyo khasaaraha kala garay dhinacyada ,mana jirto warar dhanka Dowlada ka soo baxay oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay howlgalkaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
