CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Ceel-dheere ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in Xoogaga Macawisleyda Beesha Waceysle ay gacanta ku dhigeen nin ajanabi ah oo alshabaab ka bar bardagaalami jirey.

Ninkaan ayay Macawisleydu qabteen xili uu doonayay inuu si dhuumaaleysi ah doon uga raaco xeenbta mareeg.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Macawisleyda ay heleen xogta ninkaasi doonayay inuu doon ku baxsado kadibna howgal isaga ka dhan ah ayay uga soo qabteen xeebta Mareeg.

War lagu soo daabacay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in ninkaani ka soo jeedo  dalka yaman islamarkaana uu mudo ka bar bar dagaalamayay Alshabasab balse ugu danbeyn hada u soo gacan galay macawisleyda reer Ceel-dheer kuwaasoo hoos taga Dowlada Soomaaliya.

Taliska Milatariga Dowlada Somalia wali ma soo bandhigin ninkaasi u dhashay dalka Yeman sidoo kalana kama hadlin soo qabashadiisa marka laga reebo shaacinta warkaan ee warbaahinta Dowlada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and beachMay be an image of 3 people, people fishing, fire and beach
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here