DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Koox beeleedyo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay dil aad u fool-xun ka gaysteen dhulka maamulka Galmudug gaar ahaan deegaanka Bulucle ee Gobolka Gal-gaduud.

Wararka ayaa tilmaamaya gacan ku dhiiglayaasha ay toogteen Macalin Dugsi Quraan iyo Xaaskiis xalay saq dhexe xili ay hoygooda jiifeen.

Advertisement

Wararka qaar ayaa sheegaya dilkaasi salka ku hayo aano qabiil walow masuuliyiinta Galmudug aysan faah-faahin ka bixin dilalkaani iyo waxa sababta u ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Cabud-waaq lagu qisaasay laba nin oo ku eedeysan inay hore u dileen macalin Quraan iyo walaalkiis.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here