Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta G.Banaadir Macalim Mahdi oo kahadlaayay shir weynaha xeer ilaaliyaasha Dalka ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa laga qaado lacagta lagu soo gudbiyo ama lagu farsameeyo waxyaabaha Qarxa ee Al shabaab u adeegsadaan weerarada ay ka gaystaan Caasimadda Muqdisho.

Taliye Macalim Mahdi waxa uu xusay in 9 ruux aan is aqoonin uu soo marayo gaariga is qarxinaya ee laga soo diro Shabeellooyinka ama Jubbooyinka ayna lacago badan ay ku baxaan qorshahaasi inta ay soconayaan si loo dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Advertisement

“Qaraxyada la soo geliyo magaalada Muqdisho waxaa lagu qaataa lacago gaarayo 10-kun ilaa 70 Kun dollar ama 80Kun si loo fududeeyo lacagaahaas waxaa bixiyo ganacsade Jooga Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamar Weyne”. Taliye Macalin Mahdi ayaa sidaasi yiri.

Waxa uu bahda garsoorka ka dalbaday in la sameeyo xabsiyo u gaar ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu helo inay maalgelinayaan kooxaha Argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish.

Taliye Macalim Mahdi ayaa xusay in ganacsatada marnaba aysan ogolaanin lacagaha baadda ah oo ay Al shabaab qaadaan hadii kale lacagahaasi lagu dhibaateyn doono shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here