BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullka Puntland ayaa ka hadlay Sarkaal sare iyo ciidamo kaga dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee buuraha calmiskkaad xili guula waa weyna ay ka soo gaareen.
Madaxda ka hadashay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, kaasoo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalkaasi iyo labada askari.
Sarkaalka sare ee Puntland kaga dhintay dagaalkii shalay waxaa lagu magacaabaa Gaashaanle Sare Guray Huruuse, halka labada askarina ay kala yihiin Dhamme Najiib Jaamac iyo Dhamme Siciid Cabdi Ibraahim kuwaasoo ku shahiiday dagaalka.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ciidanka qalabka sida, Dawladda, shacabka, iyo ehelada marxuumiinta kale ah Guray Huruuse Najiib Jaamac iyo Siciid Cabdi Ibraahim oo ku shahiiday dagaalkii maanta ay geesiyada Ciidanka Dawladda la galeen argagixisada Daacish”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland
Ugu daneyn wuxuu Allaah uga barya inuu marxuumiinta Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelkooda samir iyo iimaan ka siiyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement