HomeWarkiiMaamulka Trump oo wajahaya buuq siyaasadeed ka dib markii suxufi uu helay...

Maamulka Trump oo wajahaya buuq siyaasadeed ka dib markii suxufi uu helay xog xasaasi ah oo ku saabsan duqeymaha Mareykanka ee Yemen

=XIGASHO BBC SOMALI=Waxa jira dhawr tallaabo oo madaxtinimo oo Maraykanku qaaday kuwaas oo aad xasaasi ah

Maamulka Trump ayaa wajahaya buuq siyaasadeed ka dib markii Aqalka Cad uu xaqiijiyay in wariye si bareer ah loogu daray guruub aan ammaan ahayn oo saraakiisha amniga qaranka Mareykanka ay qorsheynayeen weerar militari oo Yemen.

Waxa jira dhawr tallaabo oo madaxtinimo oo Maraykanku qaaday kuwaas oo aad xasaasi ah, oo khatar badan, marka loo eego goorta iyo meesha lagu isticmaalo xooggta millatariga Maraykanka.

Haddii macluumaadka noocaas ah ay horay u heleen cadawga Maraykanku, waxay khatar gelin kartaa nolosha – iyo ujeedooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee qaranka.

Nasiib wanaag maamulka Trump, koox ka sheekaysatay macluumaadka ku saabsan weerarrada Mareykanka ee Yemen ku soo fool leh oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee amniga qaranka ee barta abka farriimaha sirta ah kuma aysan dhicin gacmo qaldan.

Nasiib darro maamulka Trump, dunta fariinta waxaa arkay saxafi siyaasadeed oo saameyn leh, oo la yirahdo Jeffrey Goldberg.

Tifaftiraha guud ee majaladda Atlantic Magazine, ayaa maqaal uu Isniintii soo galiyay bartiisa Internet-ka waxa uu ku sheegay in uu u muuqdo in si bareer la’aan ah loogu soo daray lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Michael Waltz.

Xubnaha kooxda ayaa u muuqday inay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka JD Vance, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Susie Wiles iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka ayaa BBC-da u sheegay in dunta fariimaha qoraalka ah “ay u muuqato mid sax ah”.

Goldberg waxa uu sheegay in kooxdu ay ka doodday siyaasadda oo ay ka wada hadleen faahfaahinta hawlgalka ee ku saabsan weerarrada milatari ee Maraykanka ee soo socda iyo wakhtiga dhabta ah ee shaqada gudaha ee kooxda sare ee amniga qaranka Trump.

“Shaqo cajiib ah,” Waltz ayaa u qoray kooxda, wax yar uun ka dib markii uu Maraykanku duqaymo ka geystay bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen oo dhacay Sabtidii 15-kii Maarso.

Waxa uu raacay calaamadaha emojiga loo yaqaan oo ka kooban calanka Maraykanka, feer iyo dab. Mas’uuliyiin kale oo sare ayaa kooxda ku biiray hambalyana halkaasi ka diray.

si kastaba ha ahaatee dabaaldegyadan Aqalka Cad ayaa laga yaabaa inay caddaato waqti gaaban ka dib xaqiijinta Isniinta.Maamulka Trump ayaa wajahaya buuq siyaasadeed ka dib markii Aqalka Cad uu xaqiijiyay in wariye si bareer ah loogu daray guruub aan ammaan ahayn oo saraakiisha amniga qaranka Mareykanka ay qorsheynayeen weerar militari oo Yemen.

In qof aanan ka mid ahayn kooxda si bareer ah loogu daro wadahadalada xasaasiga ah ee difaaca qaranka waxay ka dhigan tahay fashilka la yaabka leh ee ku yimid amniga hawlgelinta maamulka Trump.

Iyo in wada-hadalladani ay ka dhacayeen meelo ka baxsan marinnada dawladda ee sugan ee loogu talagalay isgaarsiinta xasaasiga ah waxay ku xad-gudbi kartaa Sharciga Basaasnimada, kaas oo dejinaya xeerarka maaraynta macluumaadka qarsoon.

“Maamulkani wuxuu si degdeg ah oo dabacsan ula ciyaarayaa macluumaadka qarankeena, wuxuuna dhammaan dadka Maraykanka ammaankooda ka dhigayaa mid tayo badan lahayn,” Senator Mark Warner oo ka tirsan guddiga sirdoonka ee Senate-ka, ayaa sidaasi ku qoray barta bulshada ee X.

Chris Deluzio oo ka tirsan Congress-ka Dimuqraadiga ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka, ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay baaritaan iyo dhageysi buuxa uga sameeyaan arrintan.

“Tani waa meel-ka-dhac weyn oo dhanka amniga qaranka ah, madaxduna waa inay tallaabo qaadaan,” ayuu yiri.

Dhaleecayntu kuma ay koobnayn Dimuqraadiyiinta oo keliya, sidoo kale.

Don Bacon, oo ka tirsan Congress-ka iyo xisbiga Jamhuuriga , lagana soo doorto Nebraska, ayaa u sheegay website-ka siyaasadda ee Axios in tallaabada maamulka ay tahay “mid aan laga fiirsan”.

Iyadoo Jamhuurigu ay gacanta ku hayaan labada Aqal ee Wakiilada iyo Senatka, xisbiga Trump waa inuu bilaabo nooc kasta oo ah baaritaan rasmi ah oo ku saabsan arrintan.

Afhayeenka xisbiga Jamhuuriga Mike Johnson ayaa u muuqday mid hoos u dhigay suurtagalnimadaas isagoo u sheegay warfidiyeenka in Aqalka Cad uu qirtay khaladkiisa.

“Waxay adkeyn doonaan waxayna hubin doonaan inaysan mar kale dhicin,” ayuu yidhi. “Ma garanayo wax kale oo aad taas ka dhihi karto.”

Trump ayaa dhankiisa qirtay in uusan waxba kala socon mar ay weriyeyaal ku sugan Xafiiska Oval Office ay wax ka weydiiyeen sheekada Atlantic, isagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu maqlo.

Aqalka Cad ayaa markaas soo saaray bayaan uu ku difaacayo kooxda amniga qaranka ee madaxweynaha oo uu ku jiro Waltz.

si kastaba ha ahaatee fiidnimadii Isniinta, wararka xanta ah ee Washington ayaa isa soo tarayay in iscasilaada heerka sare ah ay ugu dambeyntii lagama maarmaan noqon karto, iyadoo fiiro gaar ah loo leeyahay Waltz.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -