Maamulka Trump ayaa hakiyay dhammaan gargaarkii militari ee Mareykanku uu siin jiray Ukraine, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan aqalka cad ee dalkaas looga taliyo.
Tillaabadan ayaa keenaysa in la xannibo balaayiin shixnadaha muhiimka ah oo loo dhoofin lahaa Ukraine, xilli Aqalka Cad uu cadaadis ku saarayo Kiev inay heshiis nabadeed la gasho Ruushka, oo ay sanadkii afaraad dagaal kula jirto.
Go’aankani wuxuu ku soo beegmayaa maalmo yar ka dib markii uu Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky ay dood adagi ku dhex martay oval office ee aqalka cad, ka dib markii ay isku afgaran waayeen heshiis ay labada dhinac kala saxiixan lahaayeen oo Washington ay ku qaadan lahayd macdanta Naadirka ah ee Ukraine si ay uga difaacdo Ruushka.