Maamulka Suuriya oo sheegtay in 14 boolis ah lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen ciidamada daacadda u ah al-Asad
Weerarka ayaa yimid ka dib markii booliisku ay soo rogeen bandow ka dib mudaaharaadyo ka dhashay muuqaal online ah oo muujinaya weerar lagu qaaday macbadka Calawiyiinta.
Xubno ka tirsan booliiska Suuriya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay ciidamada daacada u ah madaxweynaha xilka laga tuuray ee Bashaar Al-asad ku dilay gobolka Tartuus, taasoo ah caqabaddii ugu dambeysay ee dhanka ammaanka ee maamulka cusub ee xukunka la wareegay laba toddobaad ka hor.
Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Suuriya Mohammed Abdul Rahman ayaa Khamiistii sheegay in “haraadiga” xukuumadda Assad ee Tartuus ay dileen 14 booliis ah 10 kalena ay dhaawaceen, isagoo wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadi doono “qof kasta oo ku dhiirada inuu waxyeeleeyo ammaanka Suuriya ama uu khatar geliyo nolosha muwaadiniintiisa. ”.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay mudaaharaadyo ka dhaceen dhowr magaalo ka dib markii Arbacadii internetka lagu faafiyey muuqaal muujinaya burburinta macbadka Calawiyiinta ee magaalada Xalab. Booliisku waxay soo rogeen bandow Homs, Latakia, Jableh iyo Tartous ilaa 8 subaxnimo (05:00 GMT). Al Jazeera ma xaqiijin karto in bandowga la qaaday iyo in kale
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa akoonkeeda rasmiga ah ee Telegram ku sheegtay in muuqaalkan oo muujinaya rag hubeysan oo gudaha u galay macbadka isla markaana iska soo dhigaya meydka dadka, taasoo ka dambeysay weerarkii ay fallaagada ku qaadeen Xalab dhamaadkii bishii November.
Wasaaradda ayaa sheegtay in rabshadahaasi ay ka danbeeyeen kooxo aan la garaneyn, waxaana ay intaa ku dartay in cidii faafineysay muuqaalkaasi ay hadda u muuqato mid doonaya hurinta colaad beeleed.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in dadka ku nool magaalada Xumus ay sheegeen in dibadbaxyada ka dhacay magaalada ay horkacayeen xubno ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta iyo Shiicada