HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Somalida Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa looga hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxay oo sheegaya in Markab Dagaal oo ka socda Dalka Turkey inuu tagi doono xeebaha Soomaaliya si uu u ilaaliyo kadib heshiis ay la saxiixdeen Dowlada Somalia.

Maamulka Somaliland oo dhawaan Dalka Itoobiya u saxiixay dhul ka mida Badda Somalia gaar ahaan xeebaha Waqooyi ayaa fahamsan in markabkaani uu fulinayo heshiiska amni ee Dowlada Somalia la gashay sidaas daraadeed ayay uga hor maadeen.

Advertisement

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Somaliland ayaa wareysi uu siiyay BBC kaga hadlay arintaani isagoona uga digay Dowlada Turkey inay soo gaarto badda Somalia gaar ahaan xeebaha waqiiyiga Somalila.

Wasiirka wuxuu ku hanjabay inay talaabo ka qaadi doonaan hadii markabka Dagaalka ee Dalka Turkey uu yimaado xeebaha waqooyiga Somalia oo maamulka Somaliland uu ka taliyo.

Wuxuu xusay inay ka hor tagi doonaan islamarkaana aysan aqbali doonin Dowlada Somalia ayaa shaqadaan noo ditrsatay,wuxuu intaasi ku daray inay caalamka ku dacweyn doonaan Dowlada Turkiga hadii ay fuliyaan heshiiska ay la gashay Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here